Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa uu ka qeyb galey Golle Furan oo ah Barnaamij ay Su’allo iyo Fikradaha ay Qaban Dhallinyarada , Aqoonyahanada ku Weydinayan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen ayaa  Dhanlinyarada Baydhabo  mid kasta ka dhageystay Taladiisa iyo su’aashiisa , Isagoona ugu jawaabeyay si toos ah inta lagu guda jiray Barnaamijka gole Furan.

Waa Barnaamijkii ugu horeyay oo lagu qabtay Deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dhalinyarada deeganka oo Madaxweynahooda Su’aal walba ay qabaan ku weydiineya Miiska, Tani waxa ay tusaale utahay Dowlad Goboleedyada Kale, si Bulshada Qeybaheeda Kala duwan uga dheystaan Su’aalahooda Fikradahooda , Waa mida kali ah Lagu hagaamin kara dalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen aya Ugu dameyn Dhalinyarada Aqoonyahanadaha kula Dar daarmay in qeyb weyn ay ka qaataan Dhisimaha Dowladnimada Iyo Horumarka Deeganadooda.