Muqdisho-Ayaamaha-Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa waxa uu maanta ku wareejiyey Gurigiisa Muwaadin Xoog looga heystay.

Yariisoow waxa uu sheegay in 28 sano kadib ay ku guuleysteen in laga soo celiyo dadkii Gurigaasi heystay.

“Alle Weyne ka sokow waxaan u Mahadcelinayaa Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan cumar Cismaan Yariisoow, Sababtoo ah waxa uu ka dambeeyey inaan dib u hello gurigeygii aan Milkiga u lahaa oo iga maqnaa mudo 28 Sano ah.” Sidaa waxaa yiri Cali Maxamed Baarre wax yar uun kadib markii uu maanta gudoomiyaha gobolku ku wareejiyey Hoygiisii oo ku yaala degmada Shibis.

Muwaadinka Gurigiisa loo soo celiyey ayaa gacanta laga saaray Guriga furihiisa islamarkaana uu umahad celiyey Dadkii ka shaqeeyey in guriga dib loogu soo celiyo.