Xeraale-Ayaamha-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Bulshada Xeraale u sheegay in ay hubka, gaadiidka iyo ciidanka u wareejinayaan si ay qayb uga qaataan nabadaynta iyo horumarka deegaanka, waxa ayna dowladda Soomaaliya ka codsadeen in ammaanka deegaanka ay iyadu la wareegto.

Bulshada Xeraale ee gobalka Galguduud ayaa hub, gaadiid dagaal iyo ciidamo ay si gaar ah gacanta ugu hayeen ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo shalay socdaal shaqo ku tegay Xeraale.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bulshada uga mahadceliyay go’aanka geesinnimada leh oo ku dayashada mudan qaybna ka qaadanaya qorshaha dib-u-heshiisiinta, nabad gelyada iyo is aaminaadda, ayaa sheegay in sugidda amniga Xeraale ay dowladdu damaanad qaadeyso.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda wareejinta hubka, gaadiidaka dagaalka iyo ciidanka ka sheegay in hub uusan gacan shacab ku jiri karin sidaa darteed cid walba oo hub gacanta ku haysa laga doonayo in ay ku wareejiso Dowladda.