MUQDISHO-AYAAMAHA-Munaasabad kooban oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye kuxigeenka 1aad Golaha Shacabka C/weli Muudeey, Sii Hayeyaasha Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale ayuu Mahdi Guuleed ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble Dukumiintiyo ay ka mid yihiin sharciyadii iyo Guddiyadii sida degdega loo meel mariyay 50-kii cisho ee uu xilka hayay.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda F. Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta si rasmi ah xilka ugula wareegay munaasabad ka qabsoontay Xafiiska R/Wasaaraha,

Waxaa la magacaabay Ra’iisal wasaare Rooble 23-kii bishan iyadoo shalay Sabtidii codka kalsoonida siiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.