Muqdisho-Ayaamaha-Dowlada ha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis sare u qaadaya iskaashiga iyo wax wadaagga labada wasaaradood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Xukuumadda  Federalka ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa wada-hadal laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Turkiga, Mudane Mevlüt Çavuşoğlu, Magaalada Ankara.

Heshiiska is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir ayaa waxa uu ku salaysan yahay iskaashiga tababarka diblomaasiyadeed, isdhaafsiga xogaha iyo dukumintiga ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Labada wasiir arrimo dibadeed ayaa ka wadahadlay xiriirka labo geesoodka iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa wax u adeegaya dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh.