Muqdisho-Ayaamaha-Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa kulan taatiikhi ah kula yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi aaga militariga ka caagan ee kala qeebiyada labada Kuuriya iyagoona halkaas isu gacan qaaday.

Donald Trump ayaa soohdinta labada Kuuriya oo ah meel ka caagan isticmaalka hubka  ayaa halkaasi kulan si weyn loo sugayay kula qaatay Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Mr Kim Jon Un .

“In aad usoo talawdo dhanka xadka Kuuriyada Waqooyi ayaa ah wax aad u wanaagsan” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo Kim. “Waa maalin dunida oo idil u wayn ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Trump.”

“Waxaa doonayaa in aan u mahadceliyo hogaamiye Kim, waayo ayuu hadduusan iga aqbali lahayn casuumadaydii twiter’ka labadeenaba waxa ay noo noqon lahayd guul daro balse si wanaagsan ayuu sameeyay waana uga mahadacelinaa ayuu sidoo kale madaxwayne Trump u sheegay warfidiyeenada.

Waa Kulankii saddexaad ee ay Labada Hoggaamiye yeeshaan labadii sanno ee la soo dhafay, iyadoo wada-xaajoodkooda  looga dan leeyahay sidii ay Dowladda Waqooyiga Kuurya uga tanaasuli lahayd Barnaamijkooda Nukliyeerka.