Muqdisho-Ayaamaha-Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, kaas oo barqadii maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaaraan  5 qof, ayna ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Gaariga qarxay ayaa ku jiray saf lagu baarayey gaadiid sugayey in la hubiyo, si ay u maraan Control ku yaalla halkaasi oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Qaranka.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxa, kuwaas oo xiray gabi ahaan isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jirto cid faah faahin guud ka bixisay qaraxaasi.