Dhuusamareeb-Ayaamaha-Waxaa isa soo taraya Khasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta Ayaamaha u sheegay  in qof isku xiray walxaha qarxa uu ku hor qarxay Maqaayad ku taalla Xarunta Inji oo uu ku shaqeeyo Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Wararku waxa ay sheegayaan in labo qof oo midi ahayd Gabar Maqaayadda  lahayd iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo uu dhaawac fudud soo gaaray.

Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa isku gadaamay uu qaraxu ka dhacay,isla markaana ay ka wadaan baaritaano kala duwan oo la xiriira  qaraxaas ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Ma jiro khasaare kale oo uu geystay Qaraxa sida uu sheegay mid ka mid ah Goobjoogayaasha ku sugan Goobta uu qaraxa ka dhacay.