KISMAAYO-AYAAMAHA-Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo qaar kamid ah ciidanka Jubbaland ayaa mar kale abaabul ciidan ka wada Gobolka Gedo gaar ahaan deeganada la isku dhaho Daawo.

Mar sii horeysay ciidan Dowladda Federaalka ay geysay Gedo iyo ciidanka Jubbaland ayuu dagaal adag dhex maray Beladxaawo,waxaana dagaalkaas sababay in Baladxaawo laga saaro ciidankii taabacsanaa Wasiir Janan.

Ciidanka uu hoggaaminayo Wasiirka amniga Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Mandheera halkaas oo ay abaabul dagaal ka wadeen.

Beesha Caalamka ayaa si adag u dhaliishay ciidanka Dowladda Federaalka ay geysay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo,waxayna eedeya dusha ka saratay Dowladda Soomaaliya.

Arrinta gobolka Gedo ayaa sii fogeyneysa Khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland waxayna meesha ka saareysa xal kasta oo lagu dooni lahaa xalinta Khilaafka Labada dhinac.