Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo Shir Guddoominayay Shirka Golaha Wasiirada ee Maanta ayaa looga hadlayay arrimo Kale duwan.

Shirka todobaadla ah ee Golaha Wasiirada oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Madaxtooyada Hirshabelle ee Magaalada Jowhar ayaa looga hadlayay mashruuca Midnimada 2 kaasi oo isugu jira xasilin amni dib u heshiisiin iyo wacyigalin.

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Dowladaga Hoose ee Hirshabelle Mudane Maxamed Cali Caadle ayaa golaha sharaxaad ka siiyay mashruuca midnimo 2 qorshayaashiisa iyo muhiimada uu u leeyahay Hirshabelle.