KAMPALA-AYAAMAHA-Shir u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka dalka ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shirka Oo cinwaankiisu yahay horumarinta Maaliyadda Dalka waxaa soo qaban qaabiyey ee Wasaaradaha Maaliyadda wuxuuna u dhaxeeyaa Dowlad-Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay ka wada shaqeyn doonaan sidii loo mideyn lahaa shuruucda hagta dhaqaalaha dalka, isla markaana dadka Soomaaliyeed ee faa’iidaystaan.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa wuxuu tilmaamay inay ka go’an tahay in si wadajir looga wada shaqeeyo horumarka Maaliyadeed ee dalka

“Kampala waxaa nooga furmay shirka horumarinta Maaliyadda Dalka ee Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka wada shaqeyneynaa sidii loo mideyn lahaa shuruucda hagta dhaqaalaha Dalkeena, Ummadda Soomaaliyeedna dhammaan uga faa’iidaysato.” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiir Beyle ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay soo dhaweyn ee isaga iyo  Wafdigii uu hogaaminaayay ee loogu sameeyay Safaarada Soomaaliya ee dalkaas