Muqdisho-(Ayaamaha)-Dood culus kadib Waxaa goordhow Cod loo qaaday Saxaafadda 104 Xildhibaan ayaa u codeysay inay baxaan, halka 42 ay u codeeyeen inay joogaan

Sida aan ognahay ma ahan maanta kaliya in saxaafadda banaanka looga saaray Baarlamaanka, waxaa jirtay in horay ayaa banaanka looga saaray, iyadoo looga hadlayay kulamo amniga ku saabsan, waxaa kulamadaas ka mid ahaa kuwo dhacay sanadkii 2016 iyo 2014, xilligaasoo dalka Ra’iisul Wasaare ka ahaayeen Cumar C/rashiid iyo C/weli Sheekh Axmed.

Sidookale kulankii ugu dambeeyay ee Warbaahinta dibadda looga saaro, iyadoo Ammaanka looga hadlayay waxay aheyd bishii March sanadkii 2016, xilligaasoo Baarlamaanka looga yeeray Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, Wasiirkii hore Amniga C/risaaq Cumar iyo Taliyihii hore NISA C/raxmaan Tuuryare, waxaa kaloo jirtay in xilligii uu Wasiirka Amniga ahaa C/kariin Xuseen Guuleed sidaan oo kale saxaafada banaanka looga saaray