Muqdisho-(Ayaamaha)-Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare ee dalka ayaa marka hore ka hadlay Khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland ,isagoona eedeeymo kala duwan u jeediyay dowladda.

Faroole ayaa kashifay faragelintii ay Madaxtooyada Soomaaliya ku sameysay doorashadii Puntland ee Janaayo 2019, wuxuuna weerar ku qaaday hoggaanka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay Faroole in dowladda ay faragelin xoogan ku sameeysay Doorashadii ka dhacay Puntland oo ay ku bixisay lacago farabadan,hayeeshee ay ku guuldareysatay arrintaas,waa  sida uu hadlka u dhigay.

Isagoo maanta ka hadalyey magaalada Garoowe, kadib markii uu soo dhaweeyay senataro ka tirsan aqalka sare oo kasoo jeeda Puntland ayuu xukuumadda Federaalka ku eedeeyay inay faragelin ku heyso doorashooyinka dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu sheegay in fara-gelintii xukuumaddu ku samaysay ay ka dhalatay dhibaato iyo fidno lagu laayay dad shacab ah.

Wuxuu intaasi ku daray in weli xukuumadda Federaalku ay sii wado faragelinta dowlad goboleedyada, ayna ka baxday heshiis ay dhowaan la gashay maamulka Jubaland.

Dhinaca kale Faroole ayaa dowlada dhexe ku dhaliilay qaabka ay u socdaan arrimaha Dastuurka dalka,isagoo sheegay in  afarta Sano ee dowladda uu hogaaminayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka harsan tahay wax ka yar laba sano,isla markaana aysan jiri waxa Dastuur ah oo la qabtay.

Wuxuu kaloo Villa Somalia ku eedeeyay, inay furfurid iyo kala qeybin ku heyso, labada aqal ee Baarlamaannada Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo sida uu sheegay ay shirar iyo kulamo abaabulan laga dhex sameeyay.

Faroole ayaa sheegay in la marin habaabiyey Dastuurkii KMG ahaa, dalkuna aanu haatan wax Dastuura lahayn.