Garowe-Ayaamaha-Senator Maxamuud Mashruuc oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka hor-yimid go’aankii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo ay ku mamnuucday Xafiisyo ay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ka furteen deegaanada Puntland.

Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Warfaa oo labaduba ah Xildhibaano ayaa Xafiisyo qaabilsan xiriirka ka furtay deegaanada ay ka soo jeedaan, iyadoo Puntland ay joojisay xafiisyadaas.

Go’aankaan ayaa ku soo beegmay, kadib markii Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka golaha shacabka, Jamaal Maxamed Xasan uu xafiiska u qaabilsan xiriirka bulshada ka furtay gobolka Sanaag.

Senator Mashruuc ayaa sheegay in go’aanka  ka soo baxay Puntland uu ka hor imaanayo dastuurka dalka qodobkiisa 61aad farqadiisa 2aad, kaas oo qeexaya waajibaadka iyo matalaada xildhibaanada federaalka.

Wuxuu ugu baaqay madaxda sare ee maamulka Puntland in ay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara midnimada qaranka Soomaaliyeed, isagoo carabka ku dhiftay in Puntland uu xasuusiyo in ay xubin ka tahay maamul goboleedyada kale ee dalka, kuwaas oo dhamaantood hoostaga dawaldda federaalka Soomaaliya, xubno matalana ay haatan ku leedahay dowladda.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ayaa sii xoogeysanayay, iyadoo uu gaaray heer xubnihii maamulkaas u matalayay dowladda Federaalka uu saameyn ku yeesho.