Waxaa war rasmi ah oo goordhow kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ay ku sheegateen weerar qaraxo ku billowday oo ka socda magaalada Nairobi caasimadda wadanka Kenya.

Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu bilaabay qarax xooggan kadibna waxaa xigay rag hubeysan oo gudaga u galay Hotelka lagu magacaabo Dusit oo bartilmaameedka u ahaa.

“Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa howlgal ka wada magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, wararka hordhaca ah ee aan helaynno waxay xaqiijinayaan in ciidamada mujaahidiintu gudaha hadafkii ay beegsanayeen u daateen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Dad kasoo baxday dhismaha la weeraray ayaa sheegay inay arkeen ugu yaraan afar nin oo hubeysan oo hotelka galaya, balse laga yaabo inay ka badnaan karaan.