MUQDISHO-AYAAMAHA-Dalka Jabuuti waxaa ka furmay shir u dhaxeeya madaxda Dowladda federaalka iyo Soomaaliland,waxaana shirkaasi oo furay Madaxweynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dad badna ayaa siyaabo kala duwan waxaa ay u arkaan in xilligaan Madaxda Dowladda Soomaaliya oo muddo xiloodkooda uu geba-gabo yahay inay Soomaaliland raadiyaan ay madaxda dowladda halka kuwo kale u arkaan inay leeyihiin dano la xiriira olole doorasho.

Hadaba qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in muddo xileedka Madaxda Dowladda oo dhamaad ah in wada-hadallo lala furo Soomaaliland ay u arkaan in dano siyaasadeed laga leeyahay halka kuwo kale ay u arkaan shirkaasi mid wanaagsan.