Dhuusamareeeb-Ayaamaha-Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa maanta magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Gudigaan ayaa ka kooban 13 Xubnood oo mid ay keliya ka tahay Dumar inta kalena ay rag yihiin,waxaana ay soo diyaarin doonaan Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne kuxigeenka.

Waxaa Xubnaha Gudigaan laga soo kala xulay Baarlamaanka,iyadoo inta badan ay yihiin kuwo markii hore dawlada Soomaaliya Beelahooda ku culeys saartay inay soo baxaan taas oo shaki ka dhashay inuu soo bixikaro qof dowladu ay wadato.

Shakiga ayaa durba soo if baxay lamana oga sida ay xaaladu noqoto,iyadoo Qoor qoor uu rajaynayo inuu ku guuleysto Madaxweynaha Galmudug.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug