Shaki laga qaba qorshaha Qoorqoor u yimid Muqdisho iyo Mushaxiinta qaar oo iska diiday casuumaadii xalay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa shalay magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxa uuna durbo la kulmay qaar kamid midowga musharaxiinta.

Qoor Qoor ayaana xalay musharaxiinta ku casuumay casho gaar ah uu sameeyay ,hasa ahaatee waxaa cashadaasi diiday qaar kamid ah musharaxiinta iyadoona ugu dambeyn la sheegay in musharaxiinta qaar aqbaleen cashada balse diideen in la sawiro.

Sida aan xogta ku heleyno xubno katirsan midowga musharaxiinta ayaa u arka Madaxweyne Qoor Qoor mid aan dhax dhaxaad aheyn lana safan Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna sheegeen in uusan waxba ka qaban karin xaalada taagan.

Musharaxiinta ayaana ka codsaday Madaxweyne Qoor Qoor in uu marka hore cadeeyo mowqifkiisa , hasa ahaatee Madaxweyne Qoor Qoor ayaa wali ka gaabsanayaa in mowqifkiisa cadeeyo uuna la safto dhinac.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa u sheegay musharxiin uu la kulmay in uu u yimid sidii uu u qaboojin lahaa xaalada siyaasadeed ee taagan isuguna soo dhaweyn lahaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Farmaajo ayaa garab ka heesta madaxda dowladaha Hirshabelle iyo Galmudug oon wali is cadeyn halka sadexda maamul kale ay cadeeyeen mowqifkooda, waxaana labadan maamul inta badan si hoose ula shaqeeyaan una taageersan yihiin qorshaha Farmaajo.