JABUUTI-AYAAMAHA-Shirkii u dhaxeeyay Guddiyada farsamo ee dalka Jabuuti uga socday Guddiyada ka kala socday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliiya iyo Soomaaliland, iyada oo laga soo saaray qodobo horudhac ah oo ay wada gaareen.

Dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa ku heshiiyey shan qodob, kuwaasi oo loo saaray Saddex guddi hoosaadyad oo ka wada shaqayn doono qodobadaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf AyaaAqriyey Waxyaabihii ka soo baxay shirkii Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

1 – Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka, si qurux badan oo hadaf xanbaarsan

2 – Sidii dib loogu dhisi lahaa kalsoonidii labada dhinac.

3 – Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani’aadannimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiri doona muddo shan iyo toban cisho (15) kadib ah, kuna shiri doona Jabuuti.

4 – Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho gudahood ah ku shiri doona Jabuuti.

5 – Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada.

Waxaa sidoo kale la magacaabay guddiga guud ee farsamado ee wada-hadallada oo heer wasiiro ah, waxaynaa 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Jabuuti si u qiimeeyaan wax qabadka guddi hoosaadyad

Xalay fiidkii ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in wada-hadallada lagu kala kacay,kadib markii labada dhinac ay isku mari waayeen qodobada qaar,hayeeshee Mas’uuliyiinta Jabuuti ay soo farageliyeen oo ku guuleystay heshiiskaan shanta qodob ah.