Muqdisho-Ayaamaha-Maxkamad ayaa dil ku xukuntay shan qof oo lagu helay in ay ku lug lahaayeen dilkii Jamal Khashoggi, sida ay sheegtay waaxda dacwad oogidda Sacuudiga.

Khashoggi, wuxuu ahaa weriye aad u dhaliila dowladda Sacuudiga, waxaana lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Dilkaas waxaa ka dambeeyay koox ka tirsan sirdoonta Sacuudiga.

Waaxda dacwad oogidda Sacuudiga waxay sheegtay in dilkaas ay geysteen “koox keligeed howlgaleysay amar la’aan” waxayna dacwad ku oogtay 11 qof oo aan la magacaabin.

Khubaro ka tirsan Qaramada midoobeey oo baaritaan sameysay waxay sheegeen in uu “ahaa dil aan sharci ahayn”.

Agnes Callamard oo ka tirsanayd khubaradaas waxay sheegtay in dhaxal-sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan ay tahay in la baaro lugtii uu ku lahaa wax ay ku tilmaamtay dil sharci daro ah.

Wuxuu beeniyay in wax lug ah uu ku lahaa arrintaas, balse bishii October wuxuu sheegay in uu qaadayo masuuliyad buuxda, isagoo ah hoggaamiye Sacuudiga u dhashay.

Sooyaalka xirfadeed ee Jamaal Khaashoqji wuxu ka soo bilaabmay sannadihii ugu horeeyey xirfadiisa ee uu bilaabay weriyenimada, waayadaas oo ay saaxiibeen Usaama Bin Laadin, ilaa uu haatan noqday qof mucaarad ku ah Sucuudiga oo uu dalkana ka tagay.

Intaan la waayin raq iyo ruux ba maalintii uu galay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, Khaashoqji oo dalkiisa iskii uga tagay wuxu u dhexeeyey oo kolba mid joogayey dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga.

Wuxu Sucuudiga ka tagay bishii Sebtember 2017 ka dib markii ay isa seegeen maamulka Boqortooyada.

Dalalakaa dibadda ee uu joogay ayuu ka soo qori jiray aragtidiisa sida adag uu ugu dhaliilo maamulka Sucuudiga, oo waxa uu ku qori jiray wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Washington Post iyo sidoo kale boggiisa Twitter-ka ee aadka loola socdo oo ay ku xidhanyihiin in ka badan 1.6 milyan oo qof.