Muqdisho-Ayaamaha-Sida aan wararka ku helnay kooxo hubeesan ayaa gudaha degmada Dharkeenley ku afduubtay nin u shaqeenayay shirkad bixisa adeega Internetka, waxa ayna kooxdan ninkaasi ku qariyeen guri kuyaala degmada Dharkeenley.

Maamulka degmada Dharkeenley iyo taliska Booliska degmadaas ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen howlgal Ciiidamada ammaanka ay ka sameeyeen degmadaasi oo ay kusoo furteen Shaqaale ka shaqaynayay Shirkad bixisa Adeega internetka oo la afduubtay.

Ciidamada amaanka oo lagu soo wargaliyay dhacdadan ayaa durba sameeyay howlgalo balaaran, waxa ayna ciidamada ku guuleesteen in ay soo bad baadiyaan ninka la afduubtay sidoo kale soo qabtay labo kamid ah ragii afduubka ka dambeeyay.

Maamulka degmada Dharkeenley Abuukar Axmed  ayaa waxa uu sheegay in markii lagu soo wargaliyay in la afduubtay mid kamid ah Shaqaalaha shirkadaasi ay howlgalo baaritaanno ah ay sameeyeen ayna kusoo heleen qofkii la afduubtay.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in ay baxsadeen qaar kamid ah raggii  gaystay afduubka kadib markii ay arkeen Ciidamada amaanka oo ku raad jooga balse ay soo qabteen gaarigii afduubka loo adeegsaday , darawalkii waday iyo askarii qayb ka ah raga afduubka gaystay.

Waxa uu intaa ku daray gudoomiyaha in raggaani ay ahaayeen Shabakad horay uga jirtay degmada dharkeenley qofkii guri dhisanayana ay ka kaxeysan jireen Ingineerka si ay lacago baad ah uga qaadaan.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe aan looga baran in ay ka dhacaan falal afduub ah oo dadka madax furasho looga qaato, waxa ayna arimahan kusoo aadayaan xili magaalada ka howlgalayaan ciidamo badan oo booliis ah.