waaraka aan an kahelayno Boosaaso ayaa lasheegayaa in Shaqaalihii ajaaniibta ahaa ee shirkadda P&O Ports ee kashaqynaayey dekedda Boosaaso ayaa isaga baxay Puntland.

Shirkadda P&O waa shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta taas maamusha dekedda Boosaaso, waxaana iska leh oo ay hoos tagtaa shirkadda DP World.

Sababaha keentay bixitankan shaqaalaha ajnabiga ah, ayaa yimid kaddib markii dhawaan halkaas lagu dilay maamulihii shirkadda ee mashruuca dekedda Boosaaso, Paul Anthony Formosa, islamarkaana la dhaawacay ku xigeenkiisa.

ajaanibtan baxay ayaa aaday dalka Imaaraadka Carabta, oo la rumeysan yahay inay kasii aadi doonaan dalalka ay u kala dhasheen.
Maamulka Puntland ayaa wali ku adkaysanaya in haba-yaraatee aan maamulkii dekedda waxba iska baddalin oo ay si buuxda gacanta ugu hayso shirkadda P&O Ports, islamarkaana bixitaanka shaqaalaha ay tahay un mid kooban ilaa xaaladda laga dejinayo.

Dhanka kale, waxaa Boosaaso gaaray cutubyo si gaar ah u hubeysan oo ka tirsan ciidamada Puntland kaddib markii uu sidaas amray madaxweynaha hadda la doortay ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni.
Meydka Paul Anthony Formosa ayaa weli la aasin, wuxuuna yaallaa Boosaaso, ayada oo baaritaan lagu sameynayo.