Sharciyan dhulka dowladdu ma bixin kartaa mise iibin kartaa?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Iyadoo maalmahaan si weyn warbahainta iyo baraha bulshada loogu hadla hayay heshiiskii shirkad gaar loo leeyahay looga kireeyay dhul kamid ah tiyaatarka qaranka si looga dhiso maqaayad iyo jardiino,ayaa dad badan waxaa ay is waydiinayaan arrimo ay ka mid yihiin qodobbadan soo socda .
Mar walba sida ay sharci yaqaannadu qabaan arrintaan waxay u baahantahay in loo maro waddo sharci ah isla markaana loo waafajiyo xeerarka dalka uga yaalla arrintan.

Wasiirkii hore ee howlaha guud Eng Saadiq ayaa sheegaya in dowladdu ay iibin karto wixii dhul dowladeed ah loona arko dan qaran oo waliba ay ka iibin karto shirkad ama shaqsi, hase yeeshee wuxuu leeyahay intaas oo dhan waa in dowladdu u martaa wadada sharciga ah .

Eng Saadiq Cabdullaahi Cabdi ayaa sidoo kale sheegaya in howshaan dhulka Qaran iibintiisa ah ay qabaan karaan guddi qaran oo dowladda dhexe wakiil ka ah kuwaas oo ka kooban,Wasaaradda howlaha guud oo iyada guddoomiye looga dhigayo guddiga,wsiirka maaliyadda oo xubin ka ah xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo xubin ka ah iyo xanti dhowrka guud oo xoghayn ka ah .

Marka ay guddigaasi tusaale ahaan qabtaan howl ah iibinta dhul qaran dakhliga ka so baxa maareyntiiisa ayaa iyana muhiim ah kaas oo ay tahay in aanu ku dhicin gacan gaar sida uu sheegayo wasiirkii hore ee howlaha guud Eng Saadiq Cabdullaahi Cabdi. ” Marka dakhliga ka soo dhulkaas iibkiisa waa inuu ku xaroodaa qasanadda dowladda oo aanu ku dhicin gacan wasaarad gaar ah iyo shaqsi gaar ah”.

Wuxuu intaas raaciyay in haddii ay dowladd marto sharcigaas ay iibin karto dhulka iyadoo soo jeedinta arrintan uu leeyahay guddiga qaran ee arrimahaan loo wakiishay iyadoo ugu dambeyna uu madaxweynuhu oggalaanayo.