MUQDISHO-AYAAMAHA-Hadalka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo inta badan warbaahinta helin ayaa sheegaysa in SHEEKA uu ka hadlay dagaal qaraar oo todobaadkii hore degaanka Abal ku dhaxmaray ciidankiisa iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalkii ka dhacay degaanka Abal la rumeysan yahay inay ku dhinteen ku dhowaad 50 dagaalame oo Al-Shabaab ah, waxa uuna ahaa dagaalkii ugu qaraaraa ee dhaxmaray ciidamada Abuu Mansuur oo dowladda taabacsan iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Warar hoose ayaa sidoo kale sheegeya in Sheekh Mukhtaar Roobow uu Xildhibaano iyo siyaasiin ku beel ah uu ka dalbaday in Muqdisho loo soo qaado 14 askari oo dhaawac ah, waxaana ku jiray taliyaha ciidanka Abuu Mansuur oo sidoo kale ahaa ku xigeenkiisa.

Sarkaalkaan dhaawaca ah ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Maxamuud Mukhtaar waxaana hadda lagu dabiibayaa Muqdisho, ayada oo ay soo hagaageyso xaaladiisa caafimaad.

Sidoo kale waxaa jira ciidamo kale oo dhaawacyo qaba kuwaas oo ku jira Isbitaal ku yaalla Xudur. Abuu Mansuur oo xabsi guri ah ayaa dalbaday in laga warqabo dhamaan dhaawacyada iyo daryeelkooda.