Dhuusamareeb-Ayaamaha-Madaxa Xukuumadda dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in gogosha dib u heshiisiinta Galmudug lagu qabanayo Magalada Dhuusamareeb,isla markaana ay diyaar u yihiin qaban qaabadeeda iyo diyaarinta halka lagu qabanayo.

kulamo saacado badan qaatay oo Magalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre & Madaxa fulinta ee Maamulka Galmudug Maxamed Sheekir ayaa waxaa la isku raacay laba qodob oo aad ugu muhiimsan Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Shaakh Shaakir ayaa waxaa uu sheegay in markasto uu jeclaa in Galmudug ay midowdo,isla markaana wadashaqeyn kala dhexeeyo dowladda Federaalka ay ka dambeyso.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhankiisa sheegay in sheikh Shaakir uu aqbalay codsigii dowladda Soomaaliya,waxaana uu ugu baaqay hay’daha Amniga dowladda Federaalka inay ka howlgallaan deegaanada Galmudug.

Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay aqbaleen in dhamaan Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka howl gallaan deegaanada Galmudug si amniga ay uga qeyb qaataan loona qabto shirka dib u heshiisiinta Galmudug.