Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto ayaa kulan kuyeeshay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay Safaarada Maraykanka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Sheekh Shariif iyo Donald Yamamoto ayaa waxaa looga hadlay doorasha soo socoto ee 2021 iyo xaalada guud ee dalka.

‘Waxaan xarunta safaaradda Maraykanka ee Muqdisho kula kulannay Danjire Donald Yamamoto oo aan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka iyo aragtida madasha xisbiyada qaran ee geediga 2020/2021”

Sidookale Shariif ayaa safiirka Maraykanka ugu mahad celiyey kulanka iyo sida maraykanka ay u garab istaaganyihiin bulshada Soomaaliyeed.

”Waxaan uga mahad celinnay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyada oo aan aakhirkiina isku waafaqnay ahmiyada ay leedahay qabsoomidda doorasho hufan oo ay ka heshiiyaan saamileyda siyaasadda sida Dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda”

Ugu dambeyn kulanka ayaa laysku raacay in marna aanan raali laga noqon doonin dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda oo ay waajib tahay in doorasho la aado.