Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Oo Warqad U Gudbiyay R/W Rooble.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo wakiil ka ahaa Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta RW Rooble ku wareejiyay liiska xubnaha ay doonayaan in laga saaro guddiga lagu murunsan yahay ee doorashooyinka Qaranka.

Ra’iisul Rooble ayaa horrey guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha guddiga maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Arrintaan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya daba-yaaqada bishaan waxaana la filayaa in uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya jawaab ka bixiyo markii la baaro kadib.