Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xiriir qadka taleefoonka ah xalay lasoo sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Shalay loo doortay inuu noqdo Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran.

Wararku waxaa ay sheegayaan in xubno ka tirsan Madaxda Xisbiyada Qaran in Madaxweyne Farmaajo uu Shiikh Shariif ka codsaday inuu la yeeasho kulan gaar ah balse Shiikh Shariif ayaa diiday inuu aqbalo casuumadaas.

Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Ahna hogaamiyaha madasha xisbiyada waxa uu u sheegay madaxweyne Farmaajo in uusan la kulmi Karin kaligii sababtuna ay tahay in uu hogaami u yahay madal Xisbiyo hadii uu dhacaya kulankaasna ay goobjoog ka ahaadaan hogaanka madashaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay in wadahadalkaas kadib uu u sheegay Sheekh Shariif in uu dib dambe ula soo xiiriiri doono maadaama uu ka cudur daartay Sheekh Shariif kulankaas uu ka dalbaday Farmaajo.

Dowladda Fedraalka ayaa la kulmaysa cadaadis Siyaasadeed kaas oo intiisa badan ka imaanaya Xisbiyada Mucaaradka ku ah,gaar ahaan madasha xisbiyada oo hogaamiye looga dhigay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.