MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynayaashii hore soomaaliya Shariif Sheek Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Hogaanka dhaqanka beesha Mudullood.

“Waxaan kulan gaar ah xarunta Madasha Xisbiyada Qaran kula qaadannay aniga iyo Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali dhaqanka beesha Mudullood oo ay hogaaminayeen imaam Maxamed Yuusuf Cali Iimaan iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Shariif ayaa sheegay in ay kawada hadleen xaald guud ee dalka iyo shararka socda iyo danaha gaarkan ah ee beesha mudollood, ayna taageersan yihiin go’aanka kasta oo kasoo baxa hogaanka meesha oo hormarinkaro beesha.

“Waxaan iska xog wareysannay xaaladda guud ee dalka si gaar ah waxaan uga hadalnay shirarka socda ee danaha iyo aayaha beesha mudullood oo aan dhaqanka u xaqiijinnay inaan taageereyno oo aan ka filayno wax beelaha mudullood iyo Soomaali wada anfaca inay ka soo baxaan”

Madasha xisbiyd qarn ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay kulamo la yeelanayeen hogaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta iyo sidoo kale Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo looga hadlayo doorashooyinka soomaaliya.