Sheekh Umal oo ka hadlay sida looga hortaggi karo afduubka Soomaalida.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaalida ayaa si weyn uga hadlay falalkii afduubka ahaa ee dhawaan ka dhacay Nairobi iyo Mombasa, wuxuu shacabka u soo jeediyay talooyin ku aadan sidii ay iskaga dhowri lahaayeen afduubka.

Sheekha wuxuu Soomaalida uga digay bunbuuninta ku aadan dhacdooyinka la xiriira afduubka, oo ah arrin dhallin karta cabsi iyo welwel, sidaas darteed in shacabka ay iska ilaalaan faafinta wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan arrintani.

Sheekh ayaa ka hadlay waxyaabaha la is dhihi karo wey ka dambeeyaan afduubka.


Amniga Wuxuu sheegay in falalka afduubka ah ay ka dhashaan amni darro. Tusaale ahaan wuxuu soo hadal qaaday dad la waayay halkii jaan iyo cirib ay dhigeen oo markii dambe meydkooda la helay, welina aan wax wayn laga qabanin wixii ku dhacay.

Arrin dhaqaale – Sheekha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in mararka qaar afduubka uu ka dhasho xifaaltan iyo loolan dhanka ganacsiga iyo dano dhaqaale lagu raadiyo. Wuxuu soo hadal qaaday in arrintan ay soo ifbixi karto marka gaajada iyo baahida ay korodho.

Madaxfurasho – Wuxuu shacabka uga digay in ay bixiyaan wax madaxfurasho ah maadama ay arrintaas horseedi karto in ay sii bataan falalka afduubka oo lacag madaxfurasho ah laga dalbado qoyasaska ay dadka ka maqan yihiin.

Xifaatal dhanka siyaasadda ah – dadka uu tartanka siyaasadda ah ka dhexeeyo waxay isku adeegsan karaan arrintani.

Kufsiga – Sheekh Maxamed Cabdi Umal wuxuu sheegay in tacadiyadda dhanka jinsiga iyo kufsiga haweenka iyo in gabdhaha loo afduubto in shahwada laga guto ay keeni karaa afduubka.

Weli waxaa socoto raadinta laba gabdhood oo kale oo la la’yahay. Mid ka mid ah gabdhahaas weli la la’yahay oo lagu magacaabo Xafsa Cabdi, waxay la socotay Xafsa Luqmaan oo Axaddii la soo badbaadiyay.