Muqdisho-(Ayaamaha)-Haweeneey udhalatay Dalka Ingiriiska ayaa waxa loo heystaa inay aflagaado ugeysatay seygeedii hore oo ay kala tegeen gabarna hore ugu dhashay.

Xilli ay kusugneyd Dalka Imaaraat-ka ayaa la sheegay inay Ciidamada Amniga qabteen taas oo hadda loo heysto lana dhageysanayo dacwada lagu soo oogay.

Gabadhaan lagu magcaaabo Leleh Shahravesh ayaa iyada & gabadheeda oo 14 jir ahedy kuna sugneyd Magaalada Paris ayaa waxa ay la kulmeen xarigaasi xilli ay joogeen Buubaay Dageenka Magaalada Dubai.

Sida la sheegay Barteeda Facebook ayey Qeybta Fikradaha ayey Hadal Caay ah ugu reebtay Seygeedii hore oo udhashay Waddanka Imaaraat-ka Carabta,taas oo dood badan ay dhalisey.

Sidookale warar ayaa sheegaya in Ay hinaastay Shahravesh oo iyadu aragtay Sawir uu Ninkeedii hore ku lahaa Xaas baan guursaday iyaduna ay fariin qeybta facebook Ee commentiga ku aflagaadeysay Seygeedii hore.

Haweeneyda waxaa laga qaaday baasaboorkeedii Ingiriiska,Labo sano ayaa lagu xukumay,iyo inay Bixiso Lacag dhan 65 Kun dollar oo mag dhaw ah maadaama sharaf dil ay sameysay,Dunida waa mamnuuc Aflagaado Qofka loo geysto.