MUQDISHO-AYAAMAHA-Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaamiyeyaasha hoggaanka Ahlusunna ee dagaalka looga saaray deegaannada Galmudug ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sheekh Shaakir oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ugu baqay dadka ku nool deegaannada Galmudug inay noqdaan kuwa ilaashada amnigooda,isla markaana qatar karta oo kusoo wajahan ay iska difaacaan.

Waxaa uu sheegay in dadka dhibaatada dalka ku haya ay yihiin ururka Al-Shabaa,hayeeshee dadka reer Galmudug looga baahan yahay inay isku tashadaan oo ay dagaal adag la galaan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.