Muqdisho-Ayaamaha-Sheekh C/qaadir Sheekh Abuukar Soomow oo ka mid ah Wadaadada Dariiqada Suufida ee reer Muqdisho ayaa ka soo horjeestay Muxaadaro lagu wado in maalinta berri oo Jimco ah inuu Muqdisho ku qabto Sheekh Maxamed Umul, gaar ahaan garoonka Eng. Yariisow.

Shiikh Soomow ayaa Shiikh Umul ku eedeeyey inuu sabab u yahay isaga fidnada iyo musiibada ka jirto dalka isla markaasna aan la aqbali karin inuu isaga qabto muxaarado ka hadleyso fidnada iyo sida looga hortagi karo musiibooyinka.

Shiikh Soomow ayaa Umul ku eedeyey inuu faafiyo Caqiido qaldan isla markaasna uu Culimada Ahlu Sunna ka aaminsan yahay inay yihiin Gaalo.

“Umul ma waxa uu bedelay in Suufida ay gaallo yihiin, kama laaban fikirkiisa aaminsan yahay, musiibo ka weyn ka ma jirto qof caqiidada laga galay, ninka sidaas ku dhiira geliyay fikirka Umul qabriyaal ay khawaarijta ku leysay, kuwo badan ayaa agooman ah”ayuu yiri Sheekh Soomow.

Muuqaal laga sii daayay Telefishinka Qaranka ayaa lagu sheegay in Sheekh Umul uu maalinta berri oo jimco ah muxaadaro ka jeedinayo Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Eng. Yariisow.

Dhinaca kale Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga ayaa sheegtay in aan lagu soo wargelin Muxaadarada uu Sheekh Umul ku qabanayo Garoonka Eng. Yariisow, isla markaana aanay ku soo wargelin Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.