MUQDISHO-AYAAMAHA-Isgoyska Fagax qeybta degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ka dhacay shil gaari oo khasaaro geystay.

Shilkaan oo ahaa mid Gaari ayaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa yimid,kadib markii Gaari nooca Caragediska oo ka yimid dhinaca Isgoyska Sanca uu fariin goostay uuna bur buriyay Goobo Ganaci.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in shilka uu ku geeriyooday hal Ruux laba kalena uu dhaawac culus kasoo gaaray.

Qofka shilka ku dhintay ayaa ahad Wiil Dhalinyaro ah iyo labada qof ee dhaawaca culus gaaray ayaa labaduba waxaa ay ahaayeen kuwo wadada marayay.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku sugan Isgoyska Fagax ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay,waxaana ay qabteen wadihii Gaariga, iyaga oo geeyay Saldhiga Booliska degmada Yaaqshiid.

Inta badan Magaalada muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca shilal gaari oo sababa khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burburun hantiyadeed.