Muqdisho-Ayaamaha-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu waday in Wasiir Cawad uu Shir Jaraa’id ku qabto,hayeeshee waa uu baaqday.

Xilliga Warbaahinta loo yeeray ayaa aheyd Duhurnimadii,iyadoo lasoo sheegayo Shirka Saxaafada loo qaban rabay uu dhici lahaa 2:00 Duhurnimo balse uu dib udhacay.

Saraakiil ka shaqeysa Xafiiska Wasiir Cawad ayaa waxay war geliyeen Wariyeyaasha inay baaqatay Shirkii Jaraa’id dibna loo soo wici doono ayna Xarumahooda ku laabtaan.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Wasaaradda Arrimaha dibadda ay Soo saari doonto War Murtiyeed ay kaga hadleyso Arrimaha Kenya, waxaana sidoo kale soo baxaya Warar sheegaya in Wasiirka uu Caddaadis kala kulmay Madaxda Sare ee dalka.

Weli la shaacin sababta uu u baaqay Shirkii Jaraa’id ee uu qaban lahaa Axmed Ciise Cawad 2:00 PM (Duhurnimo) ee Maanta.