Shir xasaasi ah oo Muqdisho uga furmay Midowga Musharaxiinta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa magaalada Muqdisho ka socda gaar ahaan Hotelka Jazeera shir xasaasi ah oo ay yeelanayaan madaxda midowga musharaxiinta kaa oo ah mid albaabada u xeran yihiin.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan  waxaana xogo lagu kalsoonaan karo ay xaqiijiyeen in Shirka Midowga Musharaxiinta u socda looga hadlayo doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday dowlad Goboleedyada iyo doorashada soo socoto ee Golaha Shacabka.

xubanaha Midowga ayaa iska xog-wareysanaya xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo doorashooyinka dalka ka socda, waxaana Shir kadib lagu wadaa inay warbaahinta la hadlaan.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta Soomaaliya ayaa yaa walaac ka muujiyay hannaanka doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay Jubbaland, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug, inkastoo inta badan Musharaxiinta soo dhoweeyeen Senatarada la doortay.

Shirka Midowga Musharaxiinta ayaa kusoo aaday, iyada oo dalka ay ka socdaan doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka, isla markaana la doortay Senatoradii Aqalka Sare ku matelaya Jubbaland, K/Galbeed, Puntland iyo Galmudug, halka Hirshabeelle aan weli la dooran.

Waxaa dhanka kale Midowga musharaxiinta ay kawada hadlayaan hindisaha sababta qaar kamid ah ergooyinka awood loogu siiyay iney soo xulaan madaxweynayasha mamul goboleedyada.