Dalka Jordan waxaa maanta lagu wadaa in uu kafurmo Shirka Baarlamaanka Caraabta waxaana Soomaaliya uga qeyb galaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. C/Raxmaan waana shirkii 29aad ee Baarlamaanka carabta oo ka furmaya Magaalada Camaan ee Dalka Jordan.

Shirkan maanta ka furmaya Dalka Jordan ayaa waxaa ka qeyb gelaya dhamaan Guddoomiyayaasha Baarlamaannada Carabta ee xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Xalay Guddoomiyayaasha Baarlamaannada carabta ayaa waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Camaan ee dalka Jordan.

Waxyaabaha kulanka looga hadli doono waxaa ka mid ah in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaanka Carabta iyo shacabka dalalka Carabta