Shirka Golaha Wadatashiga Ee Muqdisho Oo Natiijo La’aan Lasoo Xiray Maalintii 4aad.

MUQDISHU-AYAAMAHA-Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalintii afaraad ka socday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa goordhow lasoo gaba-gabeeyay, iyada oo weli Madaxda  is afgarad ka gaarin dooddihii u dhaxeeyay.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran ay Maanta shirka ugu sii amba qaadeen doodihii ku aadanaa dardar-gelinta iyo hufnaanta doorashada.

Wasiir Cabdiraxmaan Alcadaala ayaa tilmaamay in Madaxda ay si weyn uga doodeen Arrimaha amniga dalka iyo jaangoynta doorashada, isagoo xusay in Shirku uu ku socday jawi wanaagsan oo qodobada qaar horumar laga sameeyay, waa sida uu yiri.

uxuu intaas kusii daray in Shirka uu sii socon doono illaa Golaha Wadatashiga Qaran ay meel isla dhigaan Ajendayaash horyaalla Shirka ee muhiimka u ah dardar-gelinta doorashada, iyadoona maalinta berri ay nasiino gelayaa Madaxda.

Dhinaca kale Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxda aysan weli is afgarad ka gaarin dooddihii u dhaxeeyay ee arrimaha Amniga iyo doorashada, waxaana la sheegay in doodo adeg laga yeeshay arrimahaas.

Shirka Golaha ayaa gelinkii hore ee Maanta mar qarka u fuulay in lagu kala tago, iyadoona Marxalada uu maanta galay shirka ay aheyd tii ugu adkeyd, waxaana  Madaxda ay isku soo laaban doonaan habeen dambe, si ay kulamo kale u yeeshan.