Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo weli la isku mari la’yahay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Wada-tashiga Qaran, oo ka kooban Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa weli isku fahmi la’ Shirka uga socda magaalada Muqdisho.

Golaha oo Xalay Kulan ku yeeshay Hotelka Decale Muqdisho, ayaa isku mari-waayay Doodda ku saabsan mas’uuliyadda Amniga Qaranka oo Ra’iisul wasaaruhu doonayo in lagu wareejiyo, halka Dowlad Goboleedyada qaarkoodna ka horjeedaan Arrintaas.

Doodda la xiriirta Amniga Qaranka, oo maalmihii u danbeeyay haraysay Shirka Muqdisho ayaan weli dhinacna u dhicin, islamarkaana waxa ka taagan muran adag oo u dhexeeya Madaxda shirsan, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay.

Shirka ayaa lagu wadaa in uu sii socdo maanta oo Sabti ah, xilli aysan weli Madaxda shirsan wax heshiis ah ka gaarin Qodobada ugu muhiimsan ee laga doodayo.