MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhowaan ku baaqay shir ay yeesheen madaxda dowladda federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sidoo kale ku baaqay in saamileyda siyaasada ay kulan deg deg ah ka yeeshaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Shirkaas la filaayey inuu dhaco 5ta bishaan soo socoto ee Julaay ayaa laga cabsi qabaa inuu baaqdo sababo la xiriira go’aankii kasoo baxay Baarlamaanka Federaalka oo ku qanacsaneyn Maamul Goboleedyada qaar.

Go’aanka ay xildhibaannada Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ayaa waxaa la sheegay in uu sababi karo burbur ku yimaada shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku casuumay dowlad goboleedyada.

Xeerarka Sharciga dooashooyinka ee la ansixiyey ayaa waxaa kasoo horjeestay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug oo labaduba ku mideysan mucaarida dowladda Soomaaliya.

Dadka falan qeeya siyaasada ayaa waxaa ay qabaan in ansixintii Baarlamaanka ee Matalaada Gobolka Banaadi ee Aqalka sare iyo cabashada kasoo yeereysa Puntland iyo Jubbaland ay keeni karto in uu baaqdo Shirka Amniga Qaranka.