Shirka madaxda Soomaalida oo maalintii afaraad galay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maalintii afaraad galayo shirka wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhaxeeya madaxda Fedaraalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa wararka lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in la filayo in lasoo gabagabeyn doono shirka wadatashiga Qaran.

Shirkan oo si toos ah u furmay maalintii Sabtiga ayaa looga dooday qodobo xasaasi ah oo dhamaantood la xariiray xal u helista arrimaha doorashooyinka dalka, waxayna sheegeen madaxda qaarkood in shirka uu yahay mid si wanagsan u socda oo ay ka qabaan in natiijooyin waxtar leh kasoo bixi doonaan.

Qodobada aay madaxda sida aadka ah diirada ugu saarayaan shirka Afisyooni ayaa ah heshiiskii la gaaray 17-kii September iyo heshiiskii Baydhabo.

Shirkan ayaa waxaa bogaadiyay Beesha Caalamka, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaana laga dhur sugayaa iney kasoo baxaan shirka natiijooyin farxad geliya shacabka Soomaaliyeed, dalkana u jiheeya doorasho wadar ogol ah oo qabsoonta