Shirka midowga musharaxiinta mucaaradka oo galay malinkii labaad iyo go’aano culus oo ay gaari doonan.

8

muqdisho-ayaamaha-Waxaa Maalinta labaad  galay shirka midowga musharaxiinta mucaaradka, kaasi oo ay uga arinsanayaan jahwareerka ka taagan doorshada golaha shacabka ee BFS.

Mucaaradka ayaa sidoo kale maanta shirkooda ugu doodi doono boobka la sheegay in lagu hayo doorshada golaha shacabka.

Shirka ayaa waxaa ku biiray Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake R/wasaarihii hire ee Soomaaliya oo aan shalay xadir ku  aheyn hoolka uu ka dhacayay shirka midowga musharixiinta.

Xogta ayaa sheegaya in mucaaradka ay maanta shirkooda ku falanqeeyaan in la sameeyo gole Badbaado, halka xubnaha qaar ku doodayaan in cadaadis buuxa la saaro RW Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada.