Shirka Sanadlaha Ee Machadka Hiratage Oo Maanta Ka Furmaya Garoowe

GAROWE-AYAAMAHA-Maanta oo Arbaco ah Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo markii ugu horreeyay lagu qabanayo Somalia.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.

Qaban-qaabadii ugu dambeeysay ayaa haatan ka socota Xarunta Jaamacadda PUS ee Garoowe oo uu ka furmayo Shirkaas, isla markaana waxaa halkaas kusii qul-qulaya Mas’uuliyiin kala duwan oo ka qey galaya.

Agaasimaha Machadka Hirata Cabdirashiid Xaashi ayaa tilmaamay in Shirka Maanta ay ka qeyb galayaan dad ka badan 500 oo qof, kuwaasi oo lagu casuumay, waxaana sida uu qorshahu yahay uu socon doonaa saddex maalmood.

Dadka shirkaan ka qeyb galaya shirkaan ayaa waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Musharaxiinta Madaxweynaha, qaar kamid Maamulada dalka, Xildhibaano, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo aad u badan.

Madaxda lagu casuumay Shirka ayaa furitaanka Madasha ka jeedin doona Khudbado intooda badan looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashada dhacaya oo muran xoogan uu xiligaan uu ka taagan yahay.

Shalay ayaa lagu waday inuu furmo Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage, hayeeshee waaa uu baaqday, sababo la xiriira Xaruntii loogu tala-galay in lagu qabto Shirka ay qaadi weyday Madaxda lagu casuumay shirkaas.