Muqdisho-Ayaamaha-Shirkadda Caalamigaa ee Diyaaradaha Wadaanka Qatar Airways ayaa maanta lagu wadaa inay duulimaadkeedii ugu horreeyey ku timaado caasimadda Muqdisho.

Munaasabad lagu daahfurayay duulimaadka tooska ah ee Shirkadda Qatar Airways ka bilaawday  Muqdisho ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde,waxaana ka qeyb galay , wasiirka Arrimaha Dibada Somalia,Xubno kale oo ka tirsan Dowladda, danjiraha dowlada Qatar u fadhiya Somalia iyo masuuliyiin kale.

Diyaarad nooceedu yahay Airbus A320 -232 ayaa lagu wadaa inay duulimaad toos ah kabilaabi doonto garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways ayaa rakaabkii ugu horeeyay keentay Magalada Muqdisho,kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, iyada oo rakaab kale ka qaadeysa Magalada Muqdisho.

Qatar Airways ayaa duulimaad ku tagta 87 dal oo caalamka ah, waxaana shirkaddu shantii sanno ee u dambeysay ay noqonaysay midda koowaad ama labaad ee ugu horreysa shirkadaha duulimaadyada caalamka oo dhan, waxaana ay ka mid tahay shirkadaha ugu weyn caalamka ee duulimaadyada.

Billowga duulimaadkeeda cusub ee Soomaaliya ayaa loo arka mid horumarinaya duulimaadyada caalamiga ah ee yimaada caasimadda Muqdisho oo horey ay duulimaadyo uga sameyn jireen diyaarada Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Kenya Airways.

Arrinta kale ee muhiimka ah in la xuso ayaa ah in loolanka shirkadahan caalamiga ah uu fursad u noqonayo bulshada Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika iyo Yurub ku nool, kuwaas oo dhaqaalo badan ku imaan jirey dalka, kuna dhib qabay safarada ay ku imaanayaan gudaha dalka,balse wixii hadda ka dambeeya waxay heli doonaan duulimaadyo joogto ah.