Spectrum oo ah Shirkada Sahmisay shidaalka Soomaaliya ayaa war Qoraal ah kasoo saartay cabashada kasoo yeertay dowlada Kenya ee ku aadan in shirkii London lagu iib geeyay Xirmooyin kamid ah shidaalka Soomaaliya.

Warqan kasoo baxay shirkada shidaalka Sahmisay ee  Spectrum ayaa lagu sheegay in aan marnaba lagu xaraashin xirmooyin la sahmiyay ee shidaalka Soomaaliya, waxa ayna shirkada sheegtay in kaliya lasoo bandhigay xogta shidaalka Soomaaliya iyo meelaha uu kujiro.

Sidookale shirkada Spectrum ayaa waxaay sheegtay dhulka xogtiisa lagu soo bandhigay shidaalka Soomaaliya uu yahay dhul ay Soomaaliya leedahay balse aysan ku jirin dhul badeedka ay ku muran san yihiin Soomaaliya iyo Kenya oona xitaa loo soo dhowaanin.

Spectrum ayaa  waxaa ay soo bandhigtay qariidada ama mapka muujinaya dhul badeedka sahanka laga sameeyay, waxa ayna shirkada cadeysay in aysan sahanka ku jirin dhul badeedka lagu muran san yahay ee Kenya iyo Soomaaliya.