MUQDISHO-AYAAMAHA-Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo shirkadda Twitter kaddib markii ay sheegtay in qoraallada uu soo dhiga bartaas ay noqon karaan kuwo marin habaabin ah.

Shirkadda waxay markii ugu horreysay qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sameyneyso turxaan bixin.

Trump ayaa sheegay in codeynta doorashada dhanka boostada la dhici karo, waxna si sharci darro ah looga baddali karo isla markaana si sharci darro ah loo daabaci karo.

Shirkadda waxay digniin ka bixisay qoraalkaas oo ay ku sheegtay inay u adeegsaneyso xeerka looga hortaggayo wararka been abuurka ah.

Trump ayaa ku jawaabay in shirkadda ay “gabi ahaanba caburineyso xoriyatul qowlka”.

Twitter-ka wuxuu qoraalka Trump hoostiisa soo dhigay qoraal uu akhristayaasha ugu sheegayo inay “eegaan macluumaadka saxda ah ee ku saabsan codeynta doorshada ee dhanka boostada.”

Shirkadda waxay ballan qaaday inay sare u qaadi doonto digniinta ka dhanka wararka been abuurka ee la soo geliyay bartaas, balse waxay u muuqatay mid ka gaabisay in tallaabo ay ka qaado madaxweynaha Mareykanka.

Waxay sidoo kale horraantii bishan dib u eegis ku sameysay xeerarka ay kaga hortageyso wararka marin habaabinta ah.