Shirkaddaha Diyaaraddaha ee dalka oo joojiyey duulimaadyadii Gudaha dalka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Maamulka diyaaradaha ayaa sheegay in laga bilaabo berito ay joojiyeen dhammaan duulimaadyadii gudaha dalka dalka.

Guddiga, ayaa sheegay in ay ka cabanayaan hubanti la’aanta amniga diyaaradaha.

Maamulka diyaardaha ayaa sheegay in hay’adda duulista rayadka ay ku guul dareysteen xaqiijinta amniga garoomada.

“Laga bilaabo bari oo Axad ah taarikhduna ay ku beegan tahay 19 June, 2022 in la joojiyo dhamaan duulimaadyadii ay shirkaduhu ku tagayeen garoomada dalka ilaa laga gaarayo xal badbaadin kara bad-qabka diyaaradaha iyo rakaabka saaran” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Shirkadaha.