Muqdisho-(Ayaamaha)-Waxaa maanta baaqday shirkii Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo iskugu yeeray madaxda maamul gobaleedyada dalka ka jira, kaasi oo ku aaddanaa midka amniga qaranka ee muqdisho ka dhici jiray, kaddib markii ay diideen sida la sheegay madaxda mamul gobaleedyada.

Qaar kamid ah madaxda maamul gobaleedyada dalka ka jira  ayaa hada waxaa ay ku sugan yihiin magaalada Nairoobi sida Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Galmudug ,iyadoona maalmaha soo aaddan ay ku biiri doonaan Madaxweyneyaasha Puntland iyo Hirshabelle, balse waxaanan la sheegin inuu ku biirayo madaxda nairoobi ku sugan Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdi casiis Lafti gareen, hayeeshee horay oo u tagay magaalada Nairoobi ee dalka Kenya.

Sida aan wararka ku helnay madaxdaan ayaa Nairoobi kula kulmaya wadamada beesha caalamka oo dib u soo cusbooneysiisay barnaamijkii macaamilka gaarka ah, kaasi oo lagu taageeri jiray maamul gobaleedyada dalka ka jira barnaamijkooda horumarinta iyo arrimaha bani’aadinnimada.

Madaxda maamul goboleedyadda ayaa la sheegay in ay diideen in ay aqbalaan Casuumadda uu u diray Madaxweyne Farmaajo, iyagoona ku xiray Shuruud oo ay kaga baaqsanayaan ka qeyb galka shirkaan haddii aan la fulin.

Welli wax war ah kama soo bixin Villa Soomaaliya, kaasi oo ku aaddan shirkaan lagu sheegay in maanta uu baaqday maadaama aysan imaan magaalada muqdisho madaxda maamul gobaleedyada.