MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta ayaa qorshuhu ahaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirka Golaha wadatashiga doorashooyinka oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Bamaasir, hayeeshee uu shirka dib u dhacay.
Ma cadda ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee uu u baaqday balse RW Rooble ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana 15-kii Bishaan Shir ay Khadka Internetka ee (Zoomka) ku yeesheen madaxdan lagu go’aamiyay in shirka uu qabsoomo Khamiista Maanta ah.
Dhanka kale madaxda maamul Goboleedyada ayaan wali soo caga dhigan magaalada Muqdisho, waxaase la filayaa in shirka golaha wadatashiga qaranka uu qabsoomo maalmahaha soo socda.
Shirkan ayaa la filayaa in diirada lagu saaro u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.
Warar la helayo ayaa sheegaya in dowlad Goboleedyada qaar ay dalbadeen in hal Magaalo lagu soo koobo doorashooyinka Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka sababo la xiriira culeyso badan oo dhanka Amniga iyo dhaqaalaha ah oo jira, waxaana la filayaa in shirka lagu soo hadal qaado.
Doorashooyinka Soomaaliya ayaa u muuqda kuwo dib u dhacay, waxaana weli si rasmi ah u hirgelin jadwalo doorasho oo dhowr jeer la soo saaray, iyada oo Guddiga hirgelinta doorashooyinka ay isku khilaafeen habraaca doorashoohinka Golaha Shacabka oo xubno ka tirsan Guddiga ay soo saareen.