Muqdisho-(Ayaamaha)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Guddoomiyay shir aan Caadi ahayn oo golaha wasiirradu ka yeesheen xaalada amniga ee dalka, gaar ahaan sugidda amniga caasimadd ee Muqdisho.

Kulanka Golaha wasiirada ayaa waxaa aad looga falanqeeyay xaaladda amni ee dalka, waxaana warbixin looga dhagaystay wasiirrada amniga iyo difaaca oo golaha xog dheeraad ah ka siiyay warbixinnadii ugu dambeeyay iyo qorshayaasha la doonayo in al-shabaab looga saaro deegaannada ay dalka uga dhuumaalaysanayaan si ummadda Soomaaliyeed looga bad-baadiyo dhagarqabayaasha.

Uga dambeyntii Golaha ayaa waxay isku raacay in ay si aad ah loo adkeeyo amniga caasimadda, lana dardar geliyo fulinta qorshaha dalka looga xoraynayo al-shabaab oo caadaysay dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed sida ay warka u dhigeen.